Till sidans huvudinnehåll

Galmo, jir iyo caafimaad, af-Soomaali

Halkan kala soo deg dhammaan filimada

Dadka oo dhan waxay u baahan yihiin aqoon ku saabsan jirkooda iyo caafimaadkooda, iyadoon loo eegin luqadda ay ku hadlaan. Taas ayaa ugu wacan inay RFSU soo saarto aflaan ku saabsan jirka, galmada iyo xiriirrada oo ay ugu talagashay adiga aan ku hadlin af-Iswiidhishka.

Waxaa jira 17 aflaan oo ku saabsan waxyaalo ay wanaagsan tahay in la ogaado si uu qofku u daryeelo naftiisa iyo caafimaadkiisa. Waxaad ka baraneysaa jirkaaga: tusaale ahaan caadada, uurka iyo sida loo ummulo. Waxaan kaaga warbixineynaa sidaad galmada ugu raaxeysan lahayd, isaga ilaalin lahayd cudurrada galmada iyo waxaad sameyn karto hadday galmadu ku xanuujiso.

Waxaad sidoo kale heli doontaa warbixin ku saabsan tacaddiga la xiriira galmada, dhaqan sharafeedka iyo gudniinka. Waxaad iyana ogaaneysaa halka aad daryeel, talo iyo taageero u raadsan karto.

Caadada

Caado waa dhiig ka yimaada siilka oo bil walba ku dhacda gabdhaha iyo dumarka. Filimka waxaad ka ogaaneysaa caadadu waxa ay tahay, waxyaalaha aad isaga ilaalin karto inuu dhiigga caadada kugu da’o iyo waxa aad samayn karto haddaad caadada ku xanuunsato. Waxaad iyana heleysaa warbixin ku saabsan xilliga bisha aad uurka qaadi karto.

Ka hortagga uurka

Filimka ka hortagga uurka wuxuu ku saabsan yahay sida aad yeeli karto haddii aad rabto inaad galmo sameyso oo aadan uur yeelan. Waxaa jira habab kala duwan oo la isaga ilaaliyo uur aan la doonayn, tusaale ahaan kiniin iyo giraan. Waxaad iyana isticmaali kartaa cinjirka galmada oo kaa ilaalinaya uur aadan dooneyn iyo cudurrada lagu kala qaado galmada, labadaba.

Iska soo rididda uur-jiifka

Filimka iska soo rididda uur-jiifka wuxuu ku saabsan yahay waxa aad samayn karto haddaad uur leedahay laakiin aadan dooneyn inaad ilmo dhasho. Iska soo ridid micneheedu waa uur joojin. Iswiidhan qof waliba xaq ayuu u leeyahay inuu uur-jiifka iska soo rido, ilaa iyo toddobaadka 18aad. Markaas ka dib xitaa uur-jiifka waa la iska soo ridi karaa, laakiin waa inay jiraan daruufo gaar ah. In uur-jiifka la iska soo rido ma aha khatar oo uur iyo ilmo waad yeelan kareysaa xitaa haddii aad uur-jiif iska soo ridday xilli hore oo noloshaada ka mid ah.

Uurka

Filimka uurka wuxuu ku saabsan yahay sida aad ku uureysan karto iyo maalmaha bisha aad uurka qaadi karto. Waxaad ogaaneysaa calaamadaha lagu garto inaad uureysatay, tusaale ahaan inay naasuhu ku danqanayaan, aad lalabbooneyso ama aad dhiigga caadada iska weyday. Waxaad iyana heleysaa warbixin ku saabsan waxa aad samayn karto haddaad dooneyso inaad uur-jiifka iska soo riddo.

Ummulidda

Filimka ummulidda wuxuu ku saabsan yahay sida Iswiidhan loo dhaliyo haweenka ummulaya, laga billaabo foosha ilaa iyo inta uu ilmuhu ka dhalanayo. Waxaad ogaaneysaa sida aad u diyaargaroobi karto iyo haddaad gudan tahay, caawimaadda aad ummulidda ka hor heli karto. Waxaad iyana heleysaa warbixin ku saabsan sida uu u dhaco qalliinka hooyada ilmaheeda looga soo saarayo.

Xilliga ka dambeeya xilliga ummulidda

Xilliga ka dambeeya xilliga ummulidda wuxuu keenaa isbeddel weyn, jir ahaan iyo maskax ahaan labadaba. Filimkaan waxaad ka ogaaneysaa waxa ka dhaca jirka gudihiisa marka aad ummusho ka dib, sidaa aad ku yarayn karto xanuunka caadiga ah iyo meesha aad caawimaadda u raadsan karto haddii xilliga ummulidda ka dib ay dhibaato kula soo deristo.

Xubinta taranka dumarka

Filimka xubinta taranka dumarka waxaad ka ogaaneysaa muuqaalka gumaarka iyo siilka, iyo sida ay u shaqeeyaan. Waxaad sidoo kale baranaeysaa waxa ku dhaca saxaaxa markaad kacsato, micnaha naafaynta saxaaxa ama gudniika iyo sida, inta la nool yahay, ay xubinta taranku isku baddesho.

Xubinta taranka ragga

Filimka xubinta taranka ragga waxaad ka ogaaneysaa muuqaalka guska iyo qooraha, iyo sida ay u shaqeeyaan. Waxaad iyana ogaaneysaa micnaha gudniinka ragga iyo sida, inta la nool yahay, ay xubinta taranku isku baddesho. Waxaad sidoo kale ogaaneysaa halka aad tagi karto haddii uusan gusku kuu kaceynin iyo waxa taas kallifi kara.

Xilliga baaluqa

Xilliga baaluqa jirku wuu koraa - ilmo illaa qof weyn. Tusaale ahaan qofku timo ayuu ku yeeshaa aagga xubinta taranka, waxaana dhacda inuu in ka badan intii hore galmo ka fakero. Gabdhuhu waxay helaan caadadooda ugu horreysa, wiilashana shahwo-baxooda ugu horreeya. Taa micneheedu waxay tahay in la uureysan karo ama qof uur loo yeeli karo. Filimkaan waxaad ka ogaaneysaa marka la baaluqayo sida ay jirka iyo dareemadu isku baddelaan iyo halka aad tagi karto haddaad su’aal ama shaki qabto.

Caado-goynta

Caado-goyn waxaa loo yaqaanaa xilliga aad joojiso caadada oo aadan uur dambe yeelan karin. Filimkaan waxaad ka ogaaneysaa waxa ku dhaca jirka iyo dabciga xilliga caado-goynta. Waxaad iyana heleysaa aqoon ku saabsan sida aad u yarayn karto dhibaha caadiga ah, tusaale ahaan haddaad aad u dhididdo ama aad dareemeyso inuu siilkaagu qallalan yahay.

Cudurrada galmada

Filimka cudurrada galmada waxaad ka heleysaa warbixin ku saabsan cudurrada galmada lagu kala qaado, tusaale ahaan klamidiya, herbes iyo HIV. Waxaad ogaaneysaa sida ay cudurrada kala duwani u faafaan, iyo sida aad isaga ilaalin karto adigoo isticmaalaya cinjirka galmada. Waxaad iyana heleysaa warbixin ku saabsan halka aad isaga baari karto inuu ku hayo cudur galmo.

Kacsiga iyo raaxada

Filimka kacsiga iyo raaxada wuxuu ku saabsan yahay sida adiga iyo dadka aad isku galmooneysaan aad u wada raaxeysan kartaan. Waxaad ku baraneysaa kintirka iyo jirka qeybihiisa kale ee u nugul taabashada. Waxaad iyana ogaaneysaa sida aad u seegeysan karto oo aad keli iskaaga u galmoon karto.

Hadday galmadu ku xanuujiso

Filimka hadday galmadu ku xanuujiso wuxuu ku saabsan yahay waxa aad samayn karto haddaad galmada ama isutagga ku xanuunsato. Waxaad iyana ogaaneysaa waxa xanuunka kallifi kara, tusaale ahaan inaadan galmo niyad u hayn ama uu kacsigaaga iyo qoyaankaagu ay yar yihiin. Waxaa iyana jira cudurro keeni kara in galmada lagu xanuunsado.

Giraanka siilka

Filimka giraanka siilka waxaad ka heleysaa warbixin ku saabsan muuqaalka afka siilka. Xuub bikir oo daboola afka siilka - ma aha wax jira. Taas beddelkeed waxaan afka siilka u naqaan giraanka siilka. Run ma aha in dumarka uu had iyo jeer dhiig ka yimaado marka ugu horreysa ee ay galmoodaan, siilka muuqaalkiisana lagama garan karo in qofta dumarka ahi ay sideedaba galmootay iyo in kale.

Gudniinka

Naafaynta saxaaxa dumarka ama gudniinka waa marka la gooyo ama la dhaawaco qeybo ka mid ah xubinta taranka gabadha ama haweeneyda. Taasu waa ka mamnuuc Iswiidhan iyo dalal kale oo badan. Filimkaan waxaad ka ogaaneysaa faahfaahinta noocyada kala duwan ee gudniinka iyo dhibaatooyinka uu dumarka u keeni karo. Waxaad iyana ogaaneysaa halka aad caawimaadda ka heli karto haddaad tahay qof falkaa loo geystay.

Dulmiga iyo tacaddiga la xiriira dhaqan sharafeedka

Filimka dhaqan sharafeedka wuxuu ku saabsan yahay dulmiga iyo tacaddiga la xiriira dhaqankaas. Waa marka qaraabo ama xubno qoys ay ka taliyaan qofka jirkiisa, jinsigiisa iyo noloshiisa. Marmar waxaa taas la socda hanjabaad, gacanqaad iyo khasbid. Taas micneheedu waxay noqon kartaa inaan qofka loo oggolayn inuu cidda uu doono xiriir la yeesho ama inuu guur ka hor galmoodo. Waxaad kaloo ogaaneysaa waxa uu sharciga Iswiidhan qorayo iyo halka aad caawinaadda u raadsan karto.

Tacaddiga la xiriira galmada

Tacaddiga la xiriira galmada waa iyadoo fal galmeed lagula kaco qof aan raalli ka ahayn, tusaale ahaan in qof aan rabin loo galmoodo. Filimka tacaddiga galmada waxaad ka ogaaneysaa falceliska bannaan muddada kufsiga uu socdo iyo kufsiga dabadii iyo halka aad tagi karto haddii lagu kufsaday. Waxaad iyana heleysaa warbixin ku saabsan waxa sharciga Iswiidhan uu qorayo.